Mail To

info@mwhrd.sw.so

Call Us

+252 61 000000

Wasiirka WHHXA oo booqatay safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

TANZANIA: Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS mudan Khadiija Maxamed Diiriye oo howlo shaqo dalka Tanzania ayaa booqtay xarunta safaaradda Soomaaliye ee dalka Tanzania taas oo shaqooyin kala duwan u qabata muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka ku nool.

Waxaa xarunta safaaradda kusoo dhaweysay Amb. Sahra Cali Xasan Safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania, Wasiir ayaa warbixin ka dhageysatay safiirka taas oo ku aadan xuquuqda ay helaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkan ku nool.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan soo booqday safaarad Soomaaliyeed oo ay hoggaamineyso gabar Soomaaliyeed meel walba ay ku jirto gabar Soomaaliyeed waxaa ka socoto shaqo wanaagsan waana kugu boogaadinayaa u khidmeyntaada dadka Soomaaliyeed.” Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS.

 

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *