MUQDISHO: Masuuliyiin ay horkaceysay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Mudan Khadiija Maxamed Diiriye oo maanta booqday Tuuladda SOS oo lagu xanaaneeyo carruurta.
“Kusoo dhawoow tuuladda carruurta SOS oo u adeegta da’yarta, tan iyo 1991-kii waxaa tahay Wasiirkii ugu horreeyay ee halkan yimaado si uu arko nolosha dhallaankan.” Dhaqane Agaasimaha SOS.
Sidoo kale Wasiir Khadiija ayaa tiri: “Howlaha shaqo aan hayo ayay ka mid tahay inaan soo arko xaaladda dhabta ah ay ku sugan yihiin carruurta lagu xanaaneeyo SOS, runtii shaqo fiican ayaad qabateen waana idin kaga mahadcelinayaa.”
Hay’adda SOS ayaa waqti dheer la tacaaleysay arrimaha caafimaadka iyo xanaanada carruurta.
