Mail To

info@mwhrd.sw.so

Call Us

+252 61 000000

Wasaaraddaha Qorsheynta, Haweenka, Caafimaadka iyo Dhallinyarada oo la shiray UNFPA

MUQDISHO: Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha oo soo agaasintay kulan shaqo oo ay isugu yimaadeen Wasaaraddaha Haweenka, Caafimaadka iyo Dhallinyarada heer Federal iyo Dowlad-Goballeed iyo Hay’adda UNFPA oo ka mid ah kuwa taageero Dowladda Soomaaliya.

Ugu horreyn waxaa shirka furay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha Beene Beene: “Muhiimada kulanka waa in shaqooyinka socday iyo kuwa cusub la dardargeliyo waana sababta aan isugu keenay qaar ka mid ah Wasaaraddaha Federalka iyo kuwa Dowlad-Goballeedyada iyo Hay’adda UNFPA.”

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Mudan Khadiija Maxamed Diiriye: “Waxaan soo maray Xukuumadda badan waa markii ugu horreysay ee kulan noocan ah ay soo agaasinto Wasaaradda Qorsheynta waxaana uga mahadcelinayaa Wasiirka Wasaaradda walaalkeey Beene Beene, anaga muhiimad gaar ah ayay inoo leedahay maadaama aan ka shaqeynayno sharciyo muhiimad u leh dalka.”

Ugu dambeyn shirka ayaa ku dhammaaday is-faham dhammaan dhinacyada ayaa isku-raacay dardargelin howlaha shaqo.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *