Mail To

info@mwhrd.sw.so

Call Us

+252 61 000000

Wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka WHHXA oo dalka dib ugu soo laabtay

MUQDISHO: Magaalada Dares-Salaam ee dalka Tanzania waxaa lagu soo af-meeray shirweynihii 2-aad ee caalamiga ah ee Gudniinka Fircooniga, shirkan waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Mudan Khadiija Maxamed Diiriye iyadoo furitaanka shirkaas ay ka jeedisay khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

Hal-ku-dhigga sannadkan ee shirka ayaa waxa uu ahaa ‘ISBEDDELKA JIILKA’ taas oo la doonayo inay ka dhabeeyaan bulshadda ku nool Africa.

Qaban-qaabadda shirka waxaa lahaa Midoowga Afrika iyo UNFPA, waxaana la isku raacay in la-joojiyo Gudniinka Gabdhaha taas oo ah khatar weyn.

Amb. Sahra Cali Xasan oo ah safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzia ayaa si weyn u garab taagneyd muddadii wafdiga ay shirka u joogeen halkaasi.

Shalay oo Jimco ah ayay dib ugu laabteen wafdiga magaalada Muqdisho kaddib markii ay soo idleeysteen howlihii shaqo ee ay u joogeen dalka Tanzania.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *