Mail To

info@mwhrd.sw.so

Call Us

+252 61 000000

Taageerada Kutlada Haweenka ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS oo Muqdisho lagu qabtay

MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Mudan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka qeyb gashay Taageerada Kutlada Haweenka ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS iyadoo munaasabaddaasi ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow iyo Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo marti sharaf kale.

“Fursadaan muhiim ayay inoo tahay si aan kala har laheyn ayaan u imaanay ka Wasaarad-ahaan, dhawaan waxaan magacaabay guddi farsamo oo la shaqeynayo Golaha Wadatashiga Qaranka (NCC) lagama maarmaan ayay inoo tahay in la is-garabsado waxaad ogtihiin inaan sharuuc u soo gudbinay Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS.” Sidaasi waxaa ku warantay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Mudan Khadiija Maxamed Diiriye.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS ayaa masuul ka ah qonadada Haweenka %30.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *