MUQDISHO, 21-January-2023, Hoggaamiyaha Xukuumadda DAN-QARAN Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta soo booqday xarunta ay ku shaqeyso Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS waxana halkaasi kusoo dhaweysay sii-hayaha Wasaaradda Mudan Aamina Xasan Cali.
Intaa kaddib waxa uu kulan ku aadan dardargelinta howlaha socda uu la qaatay Sii-hayah Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud kulankaas markii uu soo dhammaaday waxa uu haddal kooban u jeediyay dhammaan masuuliyiinta iyo shaqaallaha Wasaaradda isagoo faray in la horumariyo howlaha shaqo ee xilligan Wasaaradda ku hor-gudban.
