TANZANIA: Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Mudan Khadiija Maxamed Diiriye oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso ka jeedisay shirweynaha 2-aad ee caalamiga ah ee Gudniinka Fircooniga halkan kaga boggo qoraalka haddal-jeedintii Wasiirka.
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Madaxda Sare
Wasiiradda Dowladdaha ka socda
Marti-sharafta
Iyo dhammaan xubnaha kale maamuuska leh
Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Ugu horreyn waxaan u mahadcelinayaa Guddiga Midowga Afrika iyo Dowladda shirkan baaxadda leh martigelineyso ee Tanzania, waxaa farxad gaar ah iyadoo arrimo Haween laga hadlayo in dalka aan joogno ay Haweeneey Madaxweyne ka tahay waan salaamayaa wallaasheey Saamiya Suluuhu Xasan
Farxad gaar ah ayay ii tahay inaan qeyb ka ahay Shirweynaha labaad ee Caalamiga ee Gudniinka Fircooniga ah kaas oo uu hal-ku-dhiggiisu yahay “ISBEDDELKA JIILKA” oo ka dhacayo magaalada Dar es Salam markale Dowladda Tanzania waan uga mahadcelinayaa martigelinta shirkan weyn.
Waxaa Sharaf ii ah inaan soo gudbiyo bayaankeenna ku aadan sida ay Dowladda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ay uga go’an tahay ciribtirka Gudniinka Fircooniga iyo dhaqamada kale ee waxyeellada sida guurka khasabka ee xilli hore ah.
Waxaan u mahadcelinayaa Midoowga Afrika gaar qeybihiisa Caafimaadka, Arrimaha Bini’aadanimada iyo Horumarinta Bulshadda oo kaalin weyn ku lahaa qabanqaabada shirweynaha 2-aad ee wax ka qabashada iyo kor u qaadista ballanqaadka Dowladdaha ee cirirbtirka Gudniinka Fircooniga ah waxaa laga yaabaa inay abuurto jawi suuragelinaaya joojinta Gudniinka Fircooniga ah iyo ballanteenna wadajirka ah, horumarinta hadafka waara ee ah in Meesha laga saaro dhammaan dhaqamada waxyeellada leh marka la gaaro 2030-ka.
Mudan iyo Mudane, Sida aad la socotaan Gudniinka Fircooniga waxa uu dhibaato badan u geystaa gabdhaha iyo Haweenka ugu horreyn waana arrin xanuun iyo naxdin leh, taasoo keenta dhowr cawaaqib caafimaad oo deg deg ah iyo kuwa fog oo ay ku jiraan cillad-jireed, dhaawac xubnaha, naafanimada iyo xanuunka joogtada ah.
Waxaan qiraayaa in inta badan caqabadaha hortaagan xaqiijinta sharafta Haweenka, Gabdhaha, Xuquuqda Haweenka ay ka yimaadaan dhaqamada xun xun oo u uku jiro Gudniinka Fircooniga ah.
Dhaqanka xun-xun waxa uu ku xad-gudbay Xuquuqda Caafimaadka, Amniga iyo Karaamada Jireed ee qofka, Xaq ayay tahay in laga xoroobo dhaqan-xumada ka baxsan bini’aadanimada iyo xaqa ay tahay marka hab-socodka nolosha ay keeneyso dhimasho.
Marka hab-laha aanay khatar sare ugu jirin xanuunada iyo dhimashada la xiriirta Gudniinka Fircooniga ah, marka sharafta hab-laha ay kor u kacdo oo la dhowro xuquuqdooda caafimaadka, daacadnimada jireed iyo Amniga iyadoo Meesha laga saarayo dhaqanka xun – waxay noqdaan hanti horumarka dhaqan-dhaqaalle ee dalka.
Dalku wuxuu gaari karaa horumar waara, haddii doorka gaarka ah ee Gabdhaha iyo Haweenka la qiimeeyo lana horumariyo.
Mudan iyo Mudane, Waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa warbixin kooban oo ku aadan sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay iyo halganka aan ugu jirno ciribtirka iyo ka hortagga Gudniinka Fircooniga ah ee Soomaaliya.
Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS, oo kaashaneysa Hay’adda UNFPA ee Soomaaliya ayaa soo saartay sharci ka dhan ah Gudniinka Fircooniga ah oo gabi ahaanba Meesha ka saaray dhammaan noocyada Gudniinka Fircooniga waxaana sharcigan lagala tashaday dhammaan dhinacyada ay khuseyso waxana uu hadda kuasoo beegmayaa habraaca ansixinta Xukuumadda marka laga soot ago sharciga waxaan diyaarinay qorsha-howleedka Qaran ee Gudniinka Fircooniga kaas oo ujeedka laga leeyahay ay tahay ka hortagga iyo joojinta Gudniinka Fircooniga ah ee Soomaaliya, in badan oo diirada la saarayo xeeladdeenna, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS ayaa ah Hay’adda hormuudka u ah isku-xirka dhammaan daneeyayaasha ku lugta leh shaqaddan weyn.
Qorsha-howleedka Qaranka waxa kale oo uu yahay in la isku-xiro dadaallada socda oo ay wadaan Wasaaraddaha Dowladda Federalka ah, Dowladda Xubnaha ka ah, Gobalka Banaadir, Bulshadda Rayidka iyo kuwa saameynta ku leh baahinta aqoonta iyo macluumaadka Gudniinka Fircooniga ah, wacyigelinta bulshadda iyo wacyigelinta ku saabsan dhibaatooyinka sharci-darrada ah iyo dhaqamada laga tagayo guud ahaan Soomaaliya.
Xeelad ahaan waxaan dejinay ololeyayaal iyo barnaamijyo u doodid mideysan oo si habboon loo xigelin doono awood-siinta bulshooyinka iyo xoojinta iyadoo la marayo dhisidda awoodda iyo waxbarashada iyadoo la hagaajinayo lana tixgelinayo kala duwnaashaha yar yar ee kala duwnaashaha gobalka iyo xaladdooda bulsho.
Qorsha-howleedka Qaranka waxa uu tixgelin dheeraad ah siinayaa cawaaqibka caafimaad ee Gudniinka Fircooniga ah sababtaas awgeed, wacyigelinta shaqaallaha caafimaadka ee Isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka waa inay ka badbaadiyaan Gudniinka Fircooniga ah.
Wada-shaqeynta dhinacyada ay khuseyso waxa ay nagu hoggaamineysaa inaan qaadno talaabo kasta oo ku habboon heer Qaran si aan uga ilaalino Haweenka iyo Gabdhaha gaar ahaan jiilka labaad ee Soomaaliya dhaqamada Gudniinka iyo goynta gabdhaha.
Dhammaanteen waxaan ognahay in shirkii caalamiga ahaa ee Qaramada Midoobe Vienna 1993-kii ee Xuquuqda Aadanaha lagu baaqay in la tirtiro dhammaan noocyada xad-gudubyada ka dhanka ah Haweenka si loogu arko waajib Xuquuqda Aadanaha ah, si gaar ah shirweynaha adduunka waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga shaqeeyo sidii loo cirib-tiri lahaa xad-gudubyada ka dhanka Haweenka ee nolosha guud iyo kuwa gaarka ah iyo cirib-tirka wax kasta.
Isku-dhacyada ka dhalan kara Xuquuqda Haweenka iyo Gabdhaha ee saameynta xu nee caadooyin-dhaqameedka ama dhaqamada qaarkood, waxaa jira heshiisyo iyo kuwa caalami ah oo ku baaqayaa in la joojiyo dhaqamada xun xun oo ay ku jiraan Axdiga Xuquuqda Carruurta, Axdiga cirib-tirka dhammaan noocyada takoorka ee Haweenka iyo Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta , diirada gaar ah ee Gudniinka Fircooniga waxaa laga helay qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobe 56/128 ee ku saabsan dhaqanka ama dhaqanka caadiga ah ee saameynayaa caafimaadka Haweenka iyo Gabdhaha iyo Hab-maamuuska Xuquuqda Haweenka Afrika (MAPUTO PROTOCOL) Wadamo badan oo uu ka dhaco Gudniinka Fircooniga ayaa soo saaray sharci mamnuucaya Gudniinka Fircooniga ah qaar badana waa ay mamnuuceen marka la eego Soomaaliya waxa aynu leenahay nimaad sharci oo isku dhafan oo isugu jiro xeer madani ah, shareecadda Islaamka iyo xeer-dhaqameedka iyo Dastuurka Qaranka Soomaaliya (2012) waxa uu dhigayaa
Qodobka 4-aad, Shareecada kaddib, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa sharciga ugu sarreeya ee dalka.” Wuxuu ilaalinayaa karaamada iyo sinnaanta aadanaha sida ku cad qodobka 10-aad iyo 11aad, sida ay u kala horreeyaan, waxaana ugu muhiimsan ee la xiriira gudniinka Fircooniga ah. Sida ku cad qodobka 15(4) in: Gudniinka habluhu waa caado arxan darro ah oo bahdil ah, waxayna la mid tahay jirdil. Gudniinka gabdhaha waa mamnuuc.
Qodobka 29(2) waxa kale oo uu dhigayaa, ‘Ubad kastaa waxa uu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo si xun ula dhaqma, dayacaad, xadgudub ama sharaf dhac.
Xeerka Ciqaabta Soomaaliya, Xeer Lr.05/19623 (Xeer Ciqaabeedka) oo dhaqan galay 2-dii April 1964-tii, waxa uu quseeyaa dhammaan maamulada dalka ka jira, waxa uuna dembi ciqaabeed ka dhigayaa in qof kale dhaawac loo geysto taas oo keenta jir ama maskaxeed. jiro.
Mudan iyo Mudane, Marti-sharafta kale, Olole ballaaran oo lagu ciribtirayo gudniinka gabdhaha ayaa ka socda Soomaaliya inkastoo Wasaaradeyda Hawenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxa ay leedahay yoolal gaar ah haddana Qorsha-howleedka Qarankeenna wuxuu xooga saarayaa yoolalka waa weyn si loo gaaro ka hortagga iyo ciribtirka Gudniinka Fircooniga ah ee Gabdhaha iyo Haweenka Soomaaliya.
Meelaha la cayimay ee mudnaanta u leh Qorshe Hawleedka Qaran ee ka dhanka ah Gudniinka Fircooniga ah waa:
Waxay bixisaa daryeel caafimaad gabdhaha iyo haweenka la guday
Ololeyaal si heersare ah loo soo agaasimay oo kor loogu qaadayo wacyi-gelinta iyo xoojinta bulshada iyo ka hortagga dhaqamadaas bini’aadantinimada ka baxsan.
- In la sameeyo madal faafisa xogta iyo doodaha guud ee ku saabsan gudniinka fircooniga ah ee Soomaaliya oo dhan.
Soomaaliya waxa ay qayb ka tahay dadaallada xudduudaha gobolka bariga Afrika ee lagu doonayo in lagu soo afjaro haweenka, waxaan saxiixnay ballan qaad dowladeed oo ku aaddan waddamada aan wadaagno ee bariga Afrika, Tanzania, Uganda, Kenya, Ethiopia, Sudan iyo South Sudan
Ugu dambayntii waxaan ku dadaali doonnaa inaan gudniinka fircooniga ka mamnuucno guud ahaan dalka Soomaaliya, balse waxay u baahan tahay waqti, iyo dadaal, sidoo kale waxay u baahan tahay in dhaqaalle loo qoondeeyo.
Gabagabadii waxaan jeclahay inaan fursadan uga mahadceliyo hay’adda UNFPA oo gacan ka geysata ka hortagga iyo ciribtirka gudniinka fircooniga ah ee Afrika gaar ahaan dalkayga Soomaaliya.
Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay inaan ka wada shaqeyno sidii loo joojin lahaa gudniinka fircooniga ah ee halganka xudduudaha ee heer gobol sida aan u go’aansanay dhammaan
Aad baan kaga mahadcelinayaa darreenka aad siiseeyn khudbadeeyda
H.E Khadiija Maxamed Diiriye
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS
