MUQDISHO: Dooddan ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS ayaa looga hadlayay Islaamka iyo Xuquuqda Haweenka waxaana ka qeyb galay Culumaa’udiin, Haween iyo marti-sharaf ka socotay qaarka ka mid Wasaaraddaha kale.
Ugu horreyn Dood-Cilmiyeedka waxaa furay Agaasimaha Waaxda Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Haweenka Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Mudan Sacdiya Maxamed Nuur waxana ay tilmaamtay: “Waxaa sharaf inoo ah inay Wasaaradda soo qaban-qaabiso Dood-Cilmiyeedkan sababtoo ah Haweenka waxa ay laf-dhabar u yihiin bulshadda waana uga mahadcelineynaa Culimadeenna oo marwalba ina fahamsiiyo qaabka Diinteenna Haweenka u awooddeyso.”
Qaar ka mid ah Culumaa’idiinkii kasoo qeyb galay ayaa waxa ay sheegeen gabar akhlaaq wanaagsan inaysan hortaagneeyn culimadda waxana ay xuseen in wax walba ay ogyihiin Haweenka Soomaaliyeed.






