Mail To

info@mwhrd.sw.so

Call Us

+252 61 000000

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐Š๐ก๐š๐๐ข๐ฃ๐š ๐€๐ฅ-๐Œ๐š๐ค๐ก๐ณ๐จ๐ฎ๐ฆ๐ข ๐จ๐จ ๐Š๐š ๐๐š๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐Œ๐ฎ๐ง๐š๐š๐ฌ๐š๐›๐š๐๐๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐”๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฌ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐€๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š.

Muqdisho, 5 May 2025 โ€“ Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qaybgashay munaasabadda Maalinta Umulisooyinka Adduunka.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caafimaadka ee XFS ayaa Wasiir Khadija Al-Makhzoumi ay ka jeedisay khudbad ay ku muujisay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo shaqada umulisooyinka Soomaaliyeed. Waxay caddeysay in umulisooyinku ay door muhiim ah ka qaataan badbaadinta hooyooyinka iyo dhallaanka, taasoo lagama maarmaan u ah horumarka caafimaadka bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasiiraddu waxay uga mahadcelisay Wasaaradda Caafimaadka dadaalka ay ku bixineyso horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka, iyadoo xustay in wada shaqeynta hayโ€™adaha dowladda ay muhiim u tahay sare u qaadidda tayada adeegyada caafimaad.
๐˜ฟ๐™ƒ๐˜ผ๐™ˆ๐™ˆ๐˜ผ๐˜ผ๐˜ฟ

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *