MUQDISHO: Mudan Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS iyo wafdi ay hoggaamineyso oo gaaray dalka Jabuuti, waxaana xubnaha wafdigeeda ka mid ah Wasiiradda Wasaaraddaha Haweenka ee Dowlad-Goballeedyada.
Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka diyaaraddaha magaalada Jabuuti kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Qoyska dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudan Muna.
“Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, gaar ah Wasiirka dhigeyga waxaan halkan u imaanay iskaashi ay sameynayaan labada Wasaaraddood iyo inaan kala korarsano waayo-aragnimo.” Mudan Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS.




