Mail To

info@mwhrd.sw.so

Call Us

+252 61 000000

Shirweynaha 2-aad ee Caalamiga ah ee Gudniinka Fircooniga oo ka furmay dalka Tanzania

MUQIDHSO: Magaalada Dar-es Salam ee dalka Tanzania waxaa si rasmi ah uga furmary shirweynaha 2-aad ee caalamiga ah ee Gudniinka Fircooniga waxaa ka qeyb galay dalal dhowr oo qaaradda Afrika, dalalka ka qeyb galayo waxaa ka mid ah Soomaaliya.

Wafdi ay hoggaamineyso Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJFS Mudan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ka qeyb galayo waxana ku wehliyo safiirka Soomaaliya ee dalka Tanzania Amb. Sahra Cali Xasan.

Shirkaan ayaa u qorsheysan 9-11 Oktober 2023, waxaana diirada lagu saarayaa qaabkii loo dabar-goyn lahaa Gudniinka Fircooniga kaas oo galaaftay nolosha Haween badan oo qaaradda Afrika ku nool.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *